About Us

BaadiHel waa madal dijitaal ah oo casri ah oo ku takhasustay raadinta, helidda, iyo soo celinta alaabaha & dadka lumay sida: dukumentiyada muhiimka ah, taleefoonnada, boorsooyinka, Dahabka, Dadka ambadka ah (caruur & D.waa weyen, kuwa xanuunsan) iyo hantida kale ee qiimaha leh.

Waxaan isku xireynaa dadka wax ka lumay iyo kuwa wax helay, annagoo adeegsanayna nidaam fudud, ammaan ah, oo degdeg ah. Ujeeddadeennu waa in aan yareyno khasaaraha ka dhasha alaab lumis, isla markaana aan dhisno kalsooni iyo wada-shaqeyn bulsho.

BaadiHel waxaa lagu dhisay faham dhab ah oo ku saleysan baahida bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan caqabadaha la xiriira helidda iyo soo celinta alaabaha lumay. Waxaan rumeysanahay in tiknoolojiyaddu ay door weyn ka qaadan karto xalinta dhibaatooyinkan maalinlaha ah.

Hadafkeenna (Our Mission)

In aan bulshada u fududeyno helidda iyo soo celinta alaabaha lumay, & In la yareeyo khasaaraha soo gaara hantida bulshada, annagoo adeegsanayna adeegyo degdeg ah, ammaan ah, kuna dhisan tiknoolojiyad la isku halleyn karo.

Himiladeenna (Our Vision)

In BaadiHel uu noqdo adeegga Lost & Found ee ugu kalsoonida badan uguna horreeya Soomaaliya, mustaqbalka na gaara Geeska Afrika iyo caalam ka.

tarjumo »